Isdiiwaan galin dhanka Khadka ah: Aradyda u gudbaya fasalka 9-aad waxaa lagu cazuumaayaa in ay ka soo qeyb-galaan bandhigga isdiiwaan-galinta ee dhacaysaa 26-da bisha January. Xafladda waxay bilaabanaysaa 6-da galabnimo.
Macluumaadka Diiwaangelinta: Diiwaangelinta khadka tooska ah waxay furmi doontaa 27-da bisha January waxayna xirmaysaa 12-ka bisha February. Shaqaalaha Dugsiga Sare ee Eden Prairie waxay martigelin doonaan fadhiyada tooska ah ee Su’aalaha iyo Jawaabaha ee qoysaska fasallada 9aad soo galaya 2da bisha February markay tahay 11:00 am iyo 6:00 pm.
Xarunta Diiwaangelintu waxay barta edenpr.org/EPHS toos uga bilaaban doontaa 20-ka bisha January -Waxaana lagu daabaci doonaa Koorsooyinka, iskuxirayaasha kulanka, ilaha xulashada koorsada, xiriiriyeyaasha kulamada, Suaalo iyo Jawaabo, iyo qaababka ay ardayda ula xiriir karaan hadii ay doonayaan caawimaad hadii ay u baahdaan.